XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]
ISHA WWW.SOMALITALK.COM
Qore: Eng. Maxamed Cali Aadan | Minneapolis, USA | June 18, 2003
Qaybta: 1aad | 2aad |
3aad | 4aad
A R A R :
www.SomaliTalk.com/copyright
Qoraalkan aan cinwaanka uga dhignay "Xuquuqda
Qoraalka [Copyright]" waxa uu ka kooban yahay afar qaybood oo xiriir ah, waana mid aan ugu
talo-galay wacyi gelin guud ee shacabkeena, gaar
ahaan qorayaasha Soomaaliyeed. Waxaa sababay qoraalkaan in aan soo qoro waa
kaddib markii qorayaal badan oo Soomaaliyeed ay soo bandhigeen wadada ay hadda
kusocoto saxaafada Soomaaliyeed oo u janjeerta in xadgudub weyn lagu sameeyo
qoraalada, iyo in ay haboon tahay in arinaas wax laga qabto inta ayasan faraha
ka bixin. Waxaana qoraalkan kaga
hadli doonaa qodobada ay kamid yihiin:
- Qiimaha iyo waxtarka Qoraalada
- Kuxadgudbida iyo Tuugaysiga Qoraalada
- Bililiqada Qoraalada
- Copyright iyo Islaamku wuxuu ka qabo
- Xeerarka Xuquuqda Qoraalada
- Noocyada Minguurinta
MAHAD CELIN
Mahad oo dhan waxaa leh Allaah oo noo
fududeeyey in qoraalkani idin soo gaaro, Allah oo inoo fududeeyey in aan qoraal
ku xiriirno. Waxaa kale oo mahad u jeedinayaa intii igala qayb qaadatay cilmi
baaristan ama aan qoraladooda wax kasoo xigtey oo ay kamid yihiin: Cabdulfatah
M. Cabdulle (Canada), M.M. Ciise (Soomaaliya), C/Raxaan Ceynte (USA), Faysal
ciise (Kenya), Yuusuf Cali (Soomaaliya), Ibraahim Saalax
(Denmark), Fahad Yaasiin (Kenya), Ciise Dhollowaa (Australia), Cusmaan Bilaad
(USA), Maxamuud Y. Garre (UK) iyo Maxamuud Wardheere (USA). Waxaan kale oo u
mahadcelinaya akhristayaasha SomaliTalk.com oo in badan noosoo tebiya talooyin
wax ku ool ah. Waxa kale oo aan u mahad celinayaa bahda SomaliTalk.com oo gacan
weyn iga siiyey soo saaridda qoraalkan.
QIIMAHA QORAALKA:
Waxaan inbadan ka dahsoonayn faa'iidada uu
leeyahay qoraalku, haddaba haddii aan inyar ka xusno faa'iidooyinka qoraalka
waa:
- Qoraalada waxaa laysku gaarsiiyaa cilmiga
kuwaas oo qofka faa'iido u yeelan kara.
- Waxaa qoraalada laysku gaarsiiyaa wararka,
taas oo qofka uga digi karta halis ama u sheegeysa war farxad leh.
- Qoraaladu waxay noqon karaa dhaxal loo
gudbin karo jiilasha soo socda, si ay uga qaataan taariikh iyo cilmi dhaxal
gal ah.
Qiyaas in qof ehel-kaaga ah uu kuusoo diro
warqad, laakiin aadan garanayn sida loo akhriyo, markaasna aad u baahatid qof
kuu akhriya isla mar ahaantaana kuu qora jawaabta, qiyaas hadaba qofka
warqadii laguu soo diray kuu akhrinaya in uu nuxurkii ku qornaa warqada ogaanayo
inta adigii ay kusocotey aadan ogaan.... Taas waxay kuu muujineysa qiimaha ay
kuu yeelan karto in aad baratid sida wax loo qoro loona akhriyo, maalinta aad
baratid ayaad dareemi kartaa qiimaha rasmiga ah ee qoraalka.
Dhanka kale qoraalku waa maal, tusaale haddaan
taas ka bixino: Marka la bilaabayo ganacsi waxaa lagu bilaabaa in la dejiyo
qorshihii ganacsigaas oo qoraal ah, kaddibna inta ganacsigaas shirkada ku ah ayaa qoraalka
kala saxiixda, qoraalkaasi waxa uu noqonayaa qaybta ugu muhiimsan ee maalka,
waayo qoraalkaas ayaa ah kan wax lagu kala qaybsanayo, isla markaana lagu
salaynayo saamiga uu qofkasta oo saxiixay warqadaas kuleeyahay shirkada la
asaasayo.
Mar haddii aan isla fahamney qiimaha qoraalka
iyo in qoraalku yahay maal, kawaran haddii qoraalka lagu xad-gudbo ama la xado
adigoo aan wax talo ah lagaa weydiin.
XADGUDBIDA & TUUGAYSIGA QORAALADA
Xadgudub waxaa noqon kara in qoraalka aad
qortay laguu gacan dhaafo oo adiga oo aan wax lagaa weydiin qoraalkaagii la
xado, isla mar ahaan taana lagu qoranayo magac qof kale oo aan shaqo kulahayn
qoraalka.
Tuugaysi waxaa ah in qoraalada aad kusoo saartid
joornaal-kaaga [waraaq ama Internet] ee ay soo
qoraan qorayaal adiga kuu soo diray uu wargeys kale [oo kusoo baxa waraaq ama
Internet] uu qaato qoraalkii asagoo lagayaabo in uu sheego qoraagii laakin uu
qariyo in uu joornaal-kaaga kasoo xigtey.
Arimahaasi waxay soo hoos-gelayaan:
- Xaqiraad la xaqirayo qofkii asal ahaan
qoraalka lahaa.
- Xasad laxasdayo wargeyskii qoraalku kusoo
baxay.
- Kibir la iska kibrinayo xaqa.
- Deyn la qaatay oo qofkii
laga qaatay uusan ogeyn.
Dhammaan erayaas sare waxay isugu soo biyo
shubanayaan kelmeda Afsoomaaliga ee "Bililiqo".
BILILIQAYSIGA QORAALADA
[Waxaa ka qayb qaatay: Faysal Ciise -
Kenya]
Qoraalada
oo xaquuqdooda qoraaga laga xayuubiyo waxay u dhacaan dhawr siyaabood oo kala ah:
- Qoraalkii oo isagoo dhan laga sii daayo
idaacad ama lagu daabaco wargeys iyadoo la xusayo ama aan la xuseyn magaca
qoraaga, laakiin aan laxusayn wargeyskii ama buugii ama CD-gii uu asal ahaan
qoraalkaasi kusoo baxay.
- Qaybo muhiim ah oo qoraalka ah oo la soo minguuriyo iyadoo la dhex galinayo qoraal kale oo tiro badan iyadoo dadka
lagu qaldo, laakiin aanba laxusayn qoraagii asalka ahaa.
- Dhawr qoraal oo isku mawduuc ah ayna kala
qoreen qorayaal kala duwan oo caasha la isu galayo oo kadib magac kale lagu
qorto.
- Buug suugaaneed ama taariikheed sidiisa loo
soo raro oo cutub cutub loogu soo qoro jariirad iyadoo marna aan la xuseyn
qoraagii buuga.
Waxaa dhacday in buug la qoray waqti hore
hadda la daabaco (sidii asalka ahaa ama wax laga bedelo), taas oo lagayaabo in
qoraagii buugga magaciisa la qoro, laakiin qofka hadda
daabacayaana uusan wax ogolaansho ah ka haysan qoraagii buugaas, kaddiban uu
sidaas suuqa ugu iibgeeyo, dakhliga ka soo baxana uu toos ugu dhaco qoraaga
dambe.
Waxa kale oo dhacda in siweyn loo bililiqaysto
hal-abuurka suugaanta, sida gabayada, kaddibna gabaygii la bacrimiyo ama sidii
uu ahaa loo tiriyo, taas oo aan la sheegayn in qof hore sidaas u tiriyey.
QORAALADA OO SI BAREER AH LOO BILILIQAYSTO
[waxaa ka qayb qaatay: Yuusuf Cali -
Soomaaliya]
Beryahaan, marka aad wargeys ka fiirisid dhowr bog
waxaad arkeysaa qoraal aad ka aqrisay Internet, marka aad hoos fiirisidna kuma
arkeysid meel laga soo xigtay [adigoo og waayo qoraalka waxaad ka soo akhriday
Internetka], waxaad ku arkeysaa oo kaliya qofka Computerka ku qoray qoraalka
kadibna wargayskiisa ku daabacay!.
Waxaa layaab noqotay,
fajiciso badana reebtay, Markii
qaar ka mid ah rakaab saarnaa baabuur ay darawalka ka dalbadeen in idaacad la
shido. Darawalka markiiba wuxuu shiday idaacad ka mid ah idaacada magaalada,
markiiba waxaan dhaguhu qabteen Qoraal horay ugu soo baxay Internetka oo
cinwaankiisa ahaa; "Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa
jaahil-Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?." Xaqiiqdii
wariyuhu wuxuu u aqriyay si qof isaga soo diyaariyay. Qalad ayaa dhacay inta uu
warbixinta akhrinayay, taas oo dadkii dhegeysaney ku qosleen. Qaladka wuxuu ahaa,
mar uu marsiinayay qoraalka; "Qoraalkan ugama jeedo in aan dadka ka hor
istaago barashada afka ingiriisiga iyo qaadashada wixii fiican ee waxaan ku
dhiiri gelinayaa in uu qof kasta miisaan isa saaro." waa qoraalkii
Wardheere. Lakiin wariyaha mar uu marsiinayo, "Qoraalkan ugama jeedo in
aan dadka ka hor istaago.....halkaas ayuu ku hakiyay kadib dib ayuu u soo
bilaabay oo wuxuu ka bixiyay ama u muujiyay in qoraalkan uusan cid aan iyaga
ahayn soo qorin!.
Halkaas waxaad ka garan kartaa sida ay waji gabax iyo
fadeexad ugu tahay idaacadaas iyo weriyeheeda, waayo waxa aysan u war hayn in
dadka dhegeysanayaa ay kamid yihiin dadkii asalka u lahaa qoraalka, sidaasna
idaacadaasi ay ku noqon karto "Beensheeg". Waxaa kale oo idaacada ka dahsoonaa in
hadal-kooda
laduubi karo isla markaana idaacad kale laga siideyn karo si dadka xaqiiqada
loogu sheego. Waxaa keliya oo weriyahaas la gudboonaa in uu sheego website-kii
uu warka kasoo xigtey iyo qofkii qoraalka qoray.
Haddaba maxaa Islaamku ka qabaa ku xadgudbi
xuquuqda qoraalada, jawaabta waxaan ku faah-faahinay bogga xiga ee Copyright
iyo Islaamku wuxuu ka qabo.... AKHRI.HALKAN.
... AKHRI QAYBTA 2aad....
GUJI...
Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2003
Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama
website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso
xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale
oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo
weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu
qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa,
haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.
http://www.somalitalk.com/copyright/
©
www.SomaliTalk.com
|